Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay xireen dada ay ku jiraan Soomaali, kuwaas oo fulin waayay Amar kasoo baxay Madaxweynaha dalkaas ee ku saabsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

Howlgal ay Ciidamada ka sameeyeen Xaafada Bellville ee Magaalada Cape Town ayaa waxaa ay ku xir xireen tiro Ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo fulin waayay amarkii ahaa in xaalad badnow ah la geliyey wadanka Koonfur Afrika.

Sawiro la soo geliyey Baraha Bulshada ayaa la arkayey ciidamada Koonfur Afrika oo xiraya goobaha Ganacsiga oo ay leeyihiin dadka ajaanibta ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka la tacaaalaya Cudurka COVID 19 ,waxaana ilaa iyo hadda u dhintey laba ruux halka Cuudrkaas laga helay dad gaaraya ilaa 1280 Ruux.