Gofane Ismaaciil Cumar Geele waxa uu ku dhashay magaalada Dire-dhaba ee wadanka Ogadeniya 1947kii, waxaa si aan xalaal ahayn xukunka wadanka Jabuuti ugu wareejiyay adeerkii Hasan Guuled Abtidoon sanadkii 1999kii, xiligaas oo uu adeerkii ahaa madaxwaynihii wadanka D.jabuti, Hasan Guuled abtidoon waxa uu ahaa madaxwanhii wadanka D.jabuti 1977-1999kii.

Gofane Ismaaciil Cumar Geele waa kaligii taliyaha kaliya ee wadamada geeska afrika hada wali xukunka wadankiisa haya, xukunka wadankana kuma joogo rabitaanka shacabka jabuuti ee waxaa ku haya dawlada France, Gofane Ismacil Cumar yaraantiisii waxa uu ahaa saaqid aan waxbarasho jeclayn, waxa uuna waxbarashada kaga tagay dugsigii dhexe ee magaalada Dire-dhaba.

Gofane Ismaaciil Cumar waxa uu sanadkii 1960kii ka tagay Dire-dhaba, waxa uuna u guuray magaalada D.jabouti oo xiligaas, gumaysigii Farance gacanta ku hayay, Ismacil Cumar Geele markii uu D.jabouti yimid waxa uu mudadii hore ahaa nin dumarka jidhkooda iibiya oo ka ganacsada, mudadii uu dumarka jidhkooda ka shaqayn hayay waxay is barteen saraakiishii ciidanka gumasiga France oo markaas wadanka gumaysanayay.

Gofane waxaa uu saraakiishaas gumaysiga france u ahaa mid ay u dirsadaan dumarka iyo in uu xog uga keeno kacdoonka shacabka reer Jabuti oo xiligaas xoriyadooda u dagaalamayay, shaqadaas si wanaagsan ayuu gumaysiga uga caawiyay, kadib markii ay dad badan xidhxidheen, qaar kalana wadanka ka masaafuriyeen, ayuu gumaysiga france abaal marin uga dhigay in uu kamid noqdo ciidanka boliska D.jabuti mudo yar kadib waxaa gumaysigii france u dalacsiiyeen darajada sarkaal ka tirsan qaybta boliska ee xasuuqda dadka reer Jabuti, waxa uuna noqday taliye ku xigeenka saldhig bolis France (Djabouti) Sida taariikhda lagu hayo boqolaal dhalin yaro ah oo reer Jabuti ah ayaa saldhigyada boliska France ee D.jabouti xiliyadaas lagu laayay ama lagu jidh dilay kuwaasi oo ahaa dhalinyadii dadkooda iyo dalkooda xoriyada u doonayay.

1977kii markii Jabuti xoriyada ka qaadatay wadanka France waxaa kaligii taliye Gofane Ismacil Omar Geele loo magacaabay taliyaha sirdoonka boliska D.jabouti iyo madaxa golaha wasiirada dawladii uu adeerkiis Hasan Guuled Abtidoon madaxwaynaha ka ahaa, Ismaciil Omar Geele mudo kadib waxaa deeq waxbarasho oo dhanka sirdoonka ah siiyay dawladii Soomaaliya (Somali National Security Service), kadibna waxa uu waxbarasho dhanka sirdoonka ah aqoon kororsi ka soo qaatay wadanka France (French Secret Service) Gofanaha D.jabouti Ismacil Omar Geele xiligii uu wadanka France joogay waxay dawlada France kula talisay in uu xukunka wadanka adeerkiis kala wareego marka uu geeriyoodo kadib sidaasna uu ku xajiyo danta wadanka France ka leeyahay Jamhuuriyada D.jabuti, midaas badalkeeda waxaa Gofane Ismacil Omar Geele dawlada France u balan qaaday in ay marka uu xukunka qabto ay ku ilaalin doonto.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ama buur ahow ama buur ku tiirsanow, Gofane Ismaciil Omar Geele ma ahayn nin aqoon leh ama karti badan leh, mana ahyn wadani dadkiisa iyo dalkiisa usoo halgamay, hase yeeshee waxaa uu ahaa markiisii horeba nin shacabka reer Jabuuti xiniinyaha u hayay gumasigii Farance, kadibna waxaa gacanta ku hayay oo Card ka siyaasada soo ciyaarsiyay adeerkii oo madaxwayne ahaa oo aan caruur dhalin isaga kaligiisna caruur u ahaa, Gofane Ismaciil Omar Geele aqoonta kaliya ee uu leeyahay waa sida xooga iyo siyaasada qaybi oo xukun ah wax loogu maamulo, waana qaabkaas waxa uu xukunka wadanka D.jabouti ku hayo ilaa hada, Gofanaha Jabuuti ma aha nin xukunka wadankiisa ku fadhiya rabitaanka shacabka reer Jabuuti ee waa kaligii taliye ay xukunka ku ilaaliso dawlada france.

Shaqsiyada Gofane Ismacil Omar Geele, waa mida siisay in uu waxbarashada ka saaqido, waa mida u dumarka jidhkooda ka ganacsanjiray ugu shaqayn jiray Gumaysiga, waa mida shacabka reer Jabuti oo gumaysi la dagaalamaya siisay in uu dadkiisa gumaysiga u basaaso, waa mida shaqsiyadiisu siisay in uu xukunka wadanka ku fadhiyo rabitaan la’aanta shacabka reer Jabuti iyo cududa gumaysigii uu awalba basaaska u ahaan jiray ee France.

Gofane Ismaciil Omar Geele waxaa qaarada afrika looga yaqaana dilaalka hubka, waxa uuna la shaqaystaa shirkadaha hubka iibiya iyo wadamada cuna qabataynta hubku saarantahay, waxaa uu ruqsada caalamiga ah ee hub iibsiga wadankiisa u isticmaala si qaldan, waxa uuna magaca wadankiisa lacag uga qaata shirkadaha hubka iyo mafiyada hubka iibiya, si ay hub u geeyaan wadan cunaqabatayn hub saaran tahay ama wadan dawladii dhexe meesha ka baxday oo dagaal sokeeye ka socdo sida soomaaliya ahaanjirtay, Shirkadahaas hubka iibiya waxay hubka ku sheegaan in wadanka D.jabouti ka dalbaday, waxayna sii mariyaan wadanka Jabouti ama toos ayay ugu geeyaan cidii hubka loogu tala galay.

Gofane Ismacil Omar burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya waxay u ahayd fursad qaali ah, waxa uuna soomaaliya soo galiyay hub fara badan oo sharci daro ah, hubkaas waxa uu badankiisa ka iibiyay qaab qablayaashii dagaalka ee magaalada muqdisho, waxaa la ogyahay hubkaas oo suuqa cirtooge ee magaalada muqdisho lagu iibin jiray in uu badankiisa keenay Gofane Ismaciil Omar Geele, boqolaal kun oo soomaali ah ayaa hubkaas lagu xasuuqay, waxaa kaloo lagu barakiciyay boqolaal kun ama malaayiin soomaali ah.

Gofane Imacil Omar waxa uu mar walba u arkaa nabad soomaaliya ka dhalata mid aan dani ugu jirin isaga, waxa uu xiligii dagaalka sokeeye ee soomaalidu kusii jeeday noqday nin billions of dollar ka helay burburka dawladii dhexe ee soomaaliya, Tusaale hadaan halka dhaqaalahani ka soo galay, waxaa la ogyahay oo beesha caalamku cadaysay sidaan:- UNka, shirkadaha hubka, Xawaaladaha, Diyaaradah, Ganacsiga cadiga ah, Telcom Company iyo ganacsiga hubka suuqa cir toogte.

Caasimada D.jabuti waa magaalada laga helo habeenkii suuqa dhexdiisa kumanaan hablo da yar ah oo jidhkooda iibinaya, nolol darida haysata awgeed.

Laanta caafimaadka aduunka (WHO) waxay marar badan ka qortay D.jabouti warbixino la xadhiidha dumarka jidhkooda iibiya iyo faafinta cudurka Aidska ee D.jabuti ay ku leedahay geeska afrika, warbixintaas oo lagu sheegay in xukuumada wadankaasi ay qayb ka tahay in haweenku jidhkooda iibiyaan iyo dhibaatada nolol xumada ah ee dumarkaas ku kalifaysa in ay jidhkooda ka iibiyaan ciidanka France iyo ciidamada shisheeye ee mararka qaarkood si ku meel gaadhka saldhigyada uga samaysta wadanka D.jabouti sida kuwa Chine, ciidamadaasi shisheeye waa kuwa dhaqaalaha ugu badan ay ka helaan dumarka jidhkooda iibiya iyo xukuumada D.jabuti sida warbixintaas lagu cadeyay.

Nasiib daro shacabka reer Jabuuti waxaa la odhan karaa gumaysigii france waxaa u badalay gumaysi kale ama waxaa la odhan karayaa waxaa isbadalay oo kaliya midabka gumaysiga, Gofane dadka reer Jabouti waxay ku xantaan in asalkiisu yahay Itobiyan udhashay qabiilka Axmaarada oo uusan ahayba soomaali, wa ayo waxay dadkaasi aqoonta u leh tilmaameen in uu ahaa ilmo hor gal ah, hooyadiina ay saaxiib la hayd nin qomiyada Amxaarada ah oo ka tirsanaa boliska magaalada Dire-dhaba.

Lasoco qaybta danbe ee taariikhda Gofane Ismacil Omar Geele insha allaah.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanabdi29@gmail.com