Guddi ka socda Xukuumada Federaalka Itoobiya ayaa u ambabaxay gobolada Somali Galbeed. Xubnaha Guddiga ee u xilsaaran tirokoobida shacabka ku nool dhulka Somalida ee cadowga Itoobiya gumeysato ayaa laga soo kala xulay Ismamuulada kale katirsan itoobiya.

Halka mamuulada kale ay tirokoobayaan kaashanaya Dowlada Federalka ayaan maamulka Somalida wax awood ah ku lahayn tirokooba Somali Galbeed, sidoo kale lama shaacin illaa iyo hadda sababta aysan Soomaalidu qayb uga noqon tirokoobka Somali Galbeed.

Xafiiska Tirokoobka ayaa sheegay in muddo bil ku siman lagu soo gabagabeyn doono guud ahaanba tirokoobka dalka ka bilaabmay.

Tirokoobka ismamuulada Itoobiya ayaa hordhac u ah doorashada soo wajahan ee dalka ee la qorsheynayo in ay qabsoonto sannadka biisha August, waana tii ugu horreysay oo la filayo in ay Itoobiya ka dhaco.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco shabakada Halgan Media.