Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barrack Obama ayaa tagay dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga bilaabatay booqasho labo maalin ah, waxaana Aqalka Madaxtooyada Kenya ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Obama oo ah Madaxweynihi 44-aad Mareynkanka ayaa gelinkii dambe ee maanta oo Axad ah Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada, wuxuuna uga mahadceliyay booqashadiisa Wadanka Kenya.

Madaxweynihii hore ee Mareynkanka Barack Obama ayaa balan qaaday inuu markale soo booqan doono Kenya, kadib mudo 8-sano oo Madaxweyne uu ka ahaa Mareynkanka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama yagleelida Hay’adda Obama “Obama Foundation”, oo awood u siisa dhalinyarada iney noqdaan Wakiilada isbedelka Afrika.

Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in dhalinyarada Afrika ay noqon karaan hantida ugu qiimaha badan Qaaradda haddii ay tamar iyo karti fir fircooni la yimaadaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.