Jabhada OLF iyo Ururka OFC ayaa eedeyn culus u jediyay Dowlada Federalka, waxayna sheegen in Ismaamulka Oromada ay xidhay 5,000 ruux katirsan Jabhada OLF iyo Ururka OFC bilooyinka u dambeysay.

Lemi Begna oo ah masuul sare katirsan Jabhada OLF ayaa wareysii siyaay idacaada VOA ee laanta Axmaraada, wuxuuna sheegay in 5,000 qof katirsan Jabhada OLF iyo qar kamid ay yehiin Tagerooyal kaliye, wuxuun ku daraay In dadkan badan lagu xidhay degmooyinka ku hareeraysan magalaada Addis Ababa, galbeedka gobolka Shawa, Hararghe, Bale iyo gobolka Arsi oo dhamaan katirsan Ismaamulka Oromada

Lemi Bagna, wuxuu kusi daraay in dhamaan la xakiray abaabulka iyo dhaq dhaqaaqyada nabad gelyada ay Jabhada OLF ka wadeen degaankooda waxaayna dhuushay ka sareen Ismaamulka Oromada.

Dhinaca kale Turme Gemte oo ah xubin katirsan golaha dhexe ee Ururka OFC ayaa sheegay 68 qof katirsan ururka OFC ayaa la xiray asbucaan na soo dhaftaay.

Sidoo kale Getechew Balcha oo ah afaheenka Ismaamulka Oromada ayaa beenayay eedeymaha ay jeediyeen OLF iyo OFC, wuxuuna sheegay wararkas inuu yahaay mid rad iyo sal lahaayen.

Warkan iyo wix kasoo kordha kala soco Halgan Media