Kulanka 68-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Urur-gobaleedka IGAD ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah ka furmo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Shirkaasi oo ay ka qeyb geli doonaan Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee 7-da waddan ee xubnaha ka ah IGAD ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xaaladaha haatan ka taagan dalalka Suudan iyo Koonfurta Suudaan.

Dhinaca kale, Golaha Fulinta ee Ururka Midowga Afrika ee AU-da ayaa la filayaa inay maalinta Khamiista ee soo socota Kulan ku yeeshaan magaalladda Addis Abeba, oo ay kaga xaajoon doonaan xaalladihii siyaasdeed ee ugu dambeeyey ee dalka Suudaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.