Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeeyay jiritaankaXabsigii weynaa oo ay laheyd Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka QarankaSoomaaliyeed ee NISA kaas oo loo yaqaano Godka Jilacow.
Godka jilacow ayaa ahaa xabsiga ugu weyn ee NISA waxaana loogu magac daray ninkii ugu darajada Sareeyay ee hay’adda NISA ee sirdoonka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Jilacow.
Xaruntaan ayaa aheyd meel lagu ciqaabo dadka lagu eedeeyo ama katirsan ururka Al-shabaab iyo dambiyada kale, waa meel ay dadka ka aaminsanaayeen iney ka dhacaan mid ka mid ah dambiyada ugu waa-weyn ee maxaabiista loo geesto.
Dadkii ka soo baxay ayaa ku tilmaamay iney aheyd meel ciqaab xun oo qofkii ka soo baxa maskaxiyan Caafimaad darro ka qaado maadaama ay aad u adkeyd ciqaabta ka jirta oo ay geestaan Ciidamada NISA ee Soomaaliya.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.