Guud ahaan gobolada deeganka Somalida ama Ogadenia waxaa ka jira xaalad nolaleed oo daran.

Dadka xoolo dhaqatada ah maanta waxay ku sugan yihiin khatar aad u badan taas oo ah abaar xoogan inta badan gobolada hayo, halka ay ka siman yihin gobaladu xaalada biyo la’aaneed.

Waxaa jira gobolo labadi sano ee ugu dambaysay aysan roobab ku filan ka da’in, meelaha qaarna kuma di’in oo dhirti deegamo qaar ay qalashay roob dambana waxba u taraynin.

Waxaa jiro deegaamo laga barakacay/laga hayaamay halka kuwa roona biyo la’aan ladaala dhacayaan. Ma jiro gobol kamida gobolada deeganka Soomalida oo xaalad dagan oo nolaleed ka jira.

Ma jirto wax caawimaad ah oo lala gaadhay dadkan reer miyiga ah. Marka la eego dadka magalooyinka jooga ama maamulka dawlada maaha kuwo xaalada ka war haya.

Maamulku waxay ku fooraraan kaliya xaalad siyasadeed, danahoda iyo olole dorasho oo ayna maanta dadkeena xolo dhaqatadaa warba ka haynin oo ay nolal aad u adag la daala dhacayan.

Masoo tabinayso warbahinta dawladu xalada dadkaas kusugan yihiin ka ahayn dadka shacabka ah oo wax ka og xaladaas oo baraha bulshada wax ku baahiya balse aan laga hoos qadaynin.

Rabi waxaan oga baryaynaa inuu raxmadiisa usoodadajiyo umadan.

W/Q : Bishar Cabdullahi

Halgan Media

Xafiska Jigjiga