War goordhaw kusoo dhacay Idacaada Halgan Media ayaa sheegaya in dadkii ku dhintay qaraxyadii xoogaa ee maanta ka dhacay Muqdisho uu ku jiro Wariyaha caanka ah ee Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa masuuliyiinta Telefishinka Universal.

Maamulka Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in qaraxii ka dhacay agagaarka Tayaatarka Qaranka ay ku dhinteen Wariye Cawil Daahir iyo sadex kale oo kamid ahaa shaqaalaha Telefishinka Qaranka.

Wariye Cawil Daahir ayaa kamid ahaa Wariyaasha ugu caansan Soomaaliya, waxa uuna Wariyahan ka yimid dalka Ingiriiska uu mudo kunoolaa , waxa uuna hada kamid ahaa Wariyaasha iyo masuuliyiinta Telefishinka Universal.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.