Wafti balaadhan oo ay hogaaminasay wasiirka gaashaan dhiga gumaysiga itoobiya Caasha Maxamed ayaa gaadhay dalka Soomaaliyeed ee Jabuuti.

Waftigaan oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay dalka jabuuti ayaa waxaa qaabilay islamarkaana kulan la yeesheen Madaxweynaha jamuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qaarka mid ah golihiisa wasiirada.

Kulankan waxa Madaxweynaha Jabuuti ku wehelinayay Wasiirada Gaashaandhiga, wasiirka Arrimaha Dibada dalka jabuuti, Wasiirka Madaxtooyada u qaabilsan arrimaha Maalgashiga iyo Taliyaha Ciidanka Gaashaandhiga dalkaasi jabuuti.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.