Xog hayihii Dowladda Ingriska u qabilsanaa ka boixitaanka Midowga Yurub ayaa is casilay, kadib markii uu sheegay in uu dan taageri Karin Heshiishka Qabyadda ah ee UK iyo midowga Yurub.

Theresa May ayaa waxaa ay ku dhawaaqday Saacadihii ugu dambeeyay Arbacadii in ay xaqiijisay taageeradda Goloheeda Wasiiradda ee ku aadan heshiiska ay isku afgarteen Madaxda Yurub.

Hase ahaatee waxyar uun ka dib markii ay hadalkas sheegtay ayuu Wasiirku ku dhawaaqay in uu iscasilay. Waxaa uu Noqonayaa Wasiirkii labaad ee iska casila wasaradda Qaabilsan kabixitaanka Midowga Yurub.