Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir.

Weerarkan oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu qaaday laanta booliska heegan ee degmada Yaaqshiid

Qaraxa kadib waxaa lamaqlay rasaas ay ciidamadu furayeen, sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Illaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Yaqshiid oo la xariira weerarkan, welina ma jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Shabakada Halgan Media.