Wararka naga soo gaaraya magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen wiil dhalinyaro Soomaaliyeed oo 16 jir ahaa.

Allaha unaxariisto abdirahman wuxuu ahay 16 jir degan magaalada Gothenburg oo ah magaalada labad ay u badan yihiin Soomaalida ku nool dalka Sweden.

Weli ma jirto cid loo xiray, falkan lakinse waxaa la rumaysan yahay in kooxda dilka geysteen ay dhalinyaroo kale oo Soomaaliyeed yihiin.

Sanadahaan u dambeysay waxaa kusoo batay dilalka loo geystay dhalinyarada Soomaaliyeed ku dhaqan qurbaha.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.