Wararka naga soo gaaraya magalaada London ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaynin wiil dhalinyaro oo Soomaaliyeed ku dilay magaaladaasi.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa wiilka Toorey lagu dilay wadada loo yaqaan Harrow Road, waxaana marxuumka magaciisa naloogu sheegay Axmed Yaasiin oo 18 jir ah.

Cida dilka geystay ayaa gobta ka baxsatay, mana la oga sababta loo dilay.

Magaalada London iyo guud ahaanba dalka ingriiska waxaa kusoo batay dilalka loo adeegsado Tooreeda ama Midida, taas oo keentay ina dad badan ku nafwayaan.

Halgan Media.