Halgan Media

7!July 2020

Laga soo bilaabo 30.06.2020, waxaa dalka ka socda qalalaase & rabshado u dhexeeya maamulka & shacabka Oromada, & labada shacab ee Oromada & Axmaarada. Dad badan oo shacab Axmaaro ah ayaa lagu laayay deegaanka Oromada, halka la burburiyay ama boobay meherad & hanti waxay lahaayeen. Dhammaaan wixii shacab Axmaaro ahaa ee u noolaa deegaanka Oromada ayaa magangalyo u galay xeryaha ciidamada milatariga halkaas ooy go’doon ku yiihiin. 3-5 malyan Axmaaro ah ayaa ku nool deegaanka Oromada. Axmaaro kaliya ma ahee, waxaa waxyeelooyin loo geystay shucuub kale sida Guraagada. Warar ayaa sheegaya in Korneel Abiye amray in ciidamada Itoobiya ee ku sugun Soomaaliya dib loogu soo celiyo wadanka si ay u maareeyaan xaaladda qasan & kacdoonka Oromada.

Geetaachow Reedaaa oo ka mid gudiga fulinta TPLF isla markaana ahaan Afhayeenka dowladda Dhexe (Wasiirka Warfaafinta) ayaa waraysi toos ah ku yidhi sidan: “ninkan [Korneel Abiye] sheeganaya Oromada ee fadhiya 4 kiilo [xarunta madaxtooyada] & kooxdiisu [OPDO] falalkay wadaan waxaa ka xun kuwa ay soo wadaan wakhtiga aan fogayn oo wadanka burburinaya markaa ninba intiisa yar gooni u goosan”. Hadalka Geetaachow Reedaaa ayaan wax micno leh ku soo kordhineynin xiriirka xun ee Tigray TPLF & Oromo OPDO & xaaladda murugsan ee dalka.

03.07.2020 waxaan idiinla wadaagnay in “dadka qaar ayaa rajaynaya in maamulka Mustafa Cagjar qabandoono banaan-baxyo lagu taageerayo Korneel Abiye, arinkaa oo lamid ah mowqifkii Cabdi Maxamuud Cumar ku taageeray Tigray”. Hadaba sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Kililka (SRTV Rasmi Page), Mustafa Cagjar & wafdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay Deeganka Oromada si ay u muujiyaan taageeradooda shacabka & dowlada Oromada waxayna sheegeen inay garab taagan yihiin dowlada. Mustafa Cagjar wuxuu yidhi “si wadajir ah ayaan uga hortageynaa kuwa doonaya inay deegaanada xasilooni looga abuuro, shacabka dhexdiisana la isku dhufto. Waxay doonayeen isku-dhac & barakicinna ay ku abuuraan, kadibna ay dhahaan dowladdu waxay awoodi wayday inay sharciga dhaqan-galiso, sidaasna ay ku xumeeyaan muuqaalka wanaagsan ee dowladda, meeshana ka saaraan kalsoonida ay bulshadu ka qabto dowladda”. Odayaashu waxay kamid ah wafdiga

Waxaa la og yahay mowqifka shacabka Oromada ee ka dhanka ah Korneel Abiye & kooxdiisa, marka mowqifka uu qaatay Mustafa Cagjar ayaa ah mid lamid ah am aka xun mowqifkii uu Cabdi Maxamuud Cumar ku taageeray Tigray 2015 wuxuuna sii hurinayaa colaadda xagjirka Oromadu u hayaan Soomaalida. Maamulka deegaanka Soomaalida oo ah kuwo laga soo magacaabay Addis Ababa oo aan ku iman rabitaan & wadatashi Soomaali ayaa ah kuwa ku qasban hadba fulinta awaamirta kuwii soo magacaabay.

Waxaa xusid mudan in wakhti laga joogo laba bilood ay Warbaahinta Radio Daljir saadaalisay xaaladda Itoobiya oo cagta saartay xaalad aan la saadaalin Karin. Waxaa muhiim ah in Soomaalidu cadaysato mowqifkeeda, lana jaan-qaado xaaladaha isbadalaya ee dalkaa, haddii kale waxaa baciid ah qolada guulaysato soo dhoweystaan. Mawaaqifta uu qaadanayo Mustafa Cagjar ayaa lamid ah kuwii uu qaadan jiray Cabdi Maxamuud Cumar, natiijada ka dhalatana waxaa leh Soomaali!