Wararka naga soo gaadhaya Ismaamulka Canfarta ee gacanta gumaysiga Itoobiya ku jira ayaa sheegaya in ay ciidamada amaanka sedax qof ku dileen degaanka Abale siida ay sheegan wargeyska Addis Standard.

Xaalada Ismaamulka Canfarta ayaa aad u kacsan waxayna shacabku bilaabeen kacdoon xoogan oo ay ku diidan yihiin gumaysiga madow ee mudada dheer dulsaaran.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada Abiy Ahmed ee kufashilantay talada wadanka ayaa isticmaalaysa kaararkii ugu dambeeyay ee xukunka ay kusii dheeraysanayaan, hase yeeshee waxaa taliska EPP iska soo xidhay albaabkasta oo uu garaaco.

Halgan Media.