Waxaa Saaka dagan xaaladda tuulada Daakhto ee gobolka Fafaan, kadib markii uu shalay halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu u dhexeeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi.

Inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 11 ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya deegaankaasi ayaa ku warramaya in xaaladdu ay tahay mid dagan, islamarkaana ay socdaal dadaallo Nabadeed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.