Wararka naga soo gaadhaya gobolka Wollo ee Ismamuulka Axmaraada ayaa sheegaya in xiisad colaadeed halkaas ay kajirtay baryihii lasoo dhaafay, sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa udhaxaysa labo qoomiyadood oo oodwadaag ah kuwaas oo wada daga gobolka Wollo.

Xiisadan oo gaadhay gacan kahadal ayaa lasheegayaa in ay udhaxayso laba qoomiyadood oo halkaas wada daga Axmaraada iyo Oromada kuwaas mudo dheer ahaa daris daaqa iyo deegaantaba wada cuna, waxaana lasheegayaa in ay xaaladu gaadhay meel adag.

Xiisad ayaa lasheegayaa in ay hurinteeda iyo hulaaqin teedaba lahaayeen maleeyshiyaadka kasoo jeedo labada Qomiyod ee kusugan deegaankaas iyo nacamle yaasha udhashay qoomiyada is haya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.