Wararka naga soo gadhaay gobolka Doolo ayaa lagu soo warramayaa in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay tuulada Neef-kuceeshe oo hoostaga degmada Lahelow ee gobolkaaasi.

Xiisadan oo ah mid xoogan ayaa waxa ay dhexeysaa labo beeleed oo wada daga deegaankaasi. Dhaq dhaqaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa haatan socda, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Colaadan oo muddo fog soo jiitameysay ayaa waxa ay salka ku haysaa arrimo la xariira aanoyin Qabil, Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona maleeshiyaadka labada dhinac ay wadaan abaabulo xoogan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.