Wararka nagasoo gadhaay gobolka Qorahay ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo duleedka degmada Shilaabo gar ahaan Qabalaha loo yaqaano Dalan Biyo ee gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in u dhexeyso labo maleeshiyo Beeleed oo wada daga Qabalaha Dalan Biyo oo 20kilometer u jira degmadaa Shilaabo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadan ay salka ku heyso aanooyin Qabiil

Waaxaana dadka deegaanku intaas ku dareen in ay soo food saartay cabsi iyo wal wal ay ka qabaan inuu dagaal ka Qarxo, madaam labada maleeshiyo Beeleed ee ishor fadhiyaan. Well ma jirto cid kala dhex gashay labadaasi maleeshiyo ee xiisadu ka dhex aloosantahay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.