Madaxweyne ku xigeenka Ismaamulka Tigreega Dabresiyon Gabra-mikael ayaa sheegay deegaankiisu inuu doorasha u gaar ah uu qabsanayo lagana taxaddarayo faafitaanka Covid-19.

Guddoomiyaha xisbiga talada ismamuulka Tigreega haya ee TPLF Dabresiyon Gabra-mikael oo warbaahinta kula hadlay magaalada Maqaale wuxuu yidhi “Dowladda Federaalka hadalka ka soo yeedhay ee ah inaan doorasha la qaban karin xili uu Coronavirus taagan yahay hadalkaasi kuma raacsanin, anagu doorashada waan qabsaneynaa iyada oo laga taxaddareyno faafitaanka fayraska Corona.”

Wuxuuna intaa ku daray “Deegaankayaga dhanka sharciga anaga oo ka eegeyna inaan xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada bulshada ee ay khuseyso iyo guddiga doorashadaba lagala tashanayo ayey doorashadu dhaceysaa.

Madaxweyne ku xigeenku waxaa kale uu sheegay ismamuulka Tigreega, doorashada uu qabanayo iney ku kallifeyso meel marinta go’aanka shacabka deegaankaasi iyo dastuurka deegaanka oo loo hoggaansamayo.

“Wixi ka dambeeya bisha December maadaamaa ay awoodda dowladeed oo dhan ay meesha ka baxeyso haddii xillligaa ka hor ay doorasha qabsoomi weydo dhibaatooyin badan ayaa dhacaya” ayuu yidhi Dr Dabresiyon Gabra-mikael.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.