Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sitti ayaa ku warramayaa in caawa Maleeyshiyaadka Canfaarta  dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan galbeedka gobalkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa si aad ah looga dareemayaa duleedka degmada Danlaheylay, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa haatan socdo,  waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinyaan in markale dagaal uu ka qaraxo halkaasi. Sidoo kale Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan duleedka degmada Danlaheylay.

Asbuucdi ka hor ayey aheyd markii Maleeshiyaadka Canfaarta ay Weeraren degmada Danlaheylay iyo Ku dhawaacmay 4 Qof oo Somali ah.  Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Mamuulka Mustafa Cagjar oo ku aadan arrintaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.