Wararka laga helayo magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo ayaa ku warramaya in maanta lagu arkayo Maleeyshiyaad badan oo loo soo dhoobay gudaha magaaladaasi.
Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyo xafaad walba katirsan magaalada Wardheer, si ay uga hortagaan banaanbaxyo kasocdo magalaada Wardheer, taas oo loogu hor jeedo Taliska Mustafa Cagjar iyo Guddomiyaha kusheega Gobolka Doolo.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Halgan Media u sheegay in Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska dhaq dhaqaaqyo xoogan wadan, xitta fariisimo cusub ay ka sameysteen gudaha magaalada Wardheer ee Xaruunta gobolka Doolo.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.