Wararka nagasoo gadhaay bariga gobolka Doolo ayaa sheegaya inuu xiisad xoogan ka tagaan yahay degmada Galaadi oo u dhaxeeyo dadka shacabka iyo maleeyshiyaadka Liyuu Booliska.

Qar kamid dadka degaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in ay Liyuu Booliska jidka ku Qabteen qof shacab oo Gadhi waaday kadib ku amreen inuu gadhiga dhiibo siidi ay la wareegan gadhiga Lakiin Niinka gadhiga wadaay ayaa amarka dhiiday, kadib Liyuu booliska ayaa gadhiga ka dejiyay iyo jidh dil xoogan u geysteen.

Dadka shacabka ku dhaqaan degmada Galaadi ayaa ka caroowdeen dhacdaadan kadib waxaay bilabeen in ay dhag ku tuuran maleeyshiyaadka Liyuu Booliska

ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyey inay Liyuu Booliska rasaas nool ku jawaabeen dadka shacabka Lakiin khasaraaha weli maa caad.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.