Prof. Yaxye Sheekh Caamir, oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho, sidoo kalena ah fallanqeeye siyaasadeed ayaa ka hadlay laba qarax oo maalntii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo mid ka mid ah uu ka badbaaday.

Qaraxyadan ayaa lagu kala xiray laba gaari, oo mid ka mid ah uu ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka midka labaadna uu ku qarxay dhabarka danbe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama.

Gaariga lagu qarxiyay isgoyska Debka ayaa waxaa lahaa Prof Yahya Sheikh Caamir, waxaana gaariga ku dhintay walaalkiis oo xilliggaasi gaariga watay.

Prof. Yaxye ayaa hadda shaaca ka qaaday inuu ogaaday in qofka loola dan lahaa qaraxa uu ahaa isaga, ee anau ahayn walaalkiisa, balse qadarta ay qorneyd inuu walaalkiisa qaraxaas ku dhint.

Yaxye Sheekh Caamir, waxa uu sidoo kale diiday inuu qaraxa ku eedeeyo kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in magaalada Muqdisho aysan kooxda Al-Shabaab kaliya wax ku dilin, sidaas darteedna aan durba Shabaab dusha loo saari karin.

“Magaalada Muqdisho, waxaa wax ku dila toddoba kooxood oo kala duwan, oo Shabaab kaliya ma fuliyaan dilalka. Sidaas darteedna ma garan karo cidda dishay walaalkey” ayuu yiri Yaxye Sheekh Caamir.

Hadalka Yaxye Sheekh Caamir, oo ah aqoonyahan iyo xo-ogaal siyaasadeed, ayaa bixinaya macno oo weyn oo ah in dhibka Muqdisho uusan Shabaab kaliya ahayn.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.