Al Shabaab oo horay dhulka uga xirtay Diinsoor, ayaa mantana cirka ka xirtay. 

Warar hordhac ah oo gor dhow naga soo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab ay gantaalo kuso tureen diyaarad xamuul ah oo kaso degi laheed garoonka ku yaalo degmada Diinsoor.

Ilo wareedyo aad lagu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in markii Diyaarada lugaheeda lasoo baxday, kana soo degi rabto garoonka ay Al Shabaab sedax (3) gantaal kusoo tuuren, balse aysan ku dhicin diyaarada, waxaana la sheegay in ay ku qarxeen dhulka garoonka.

Daqiiqado kadib, Al Shabaab ayaa 11 gantaal kale kuso tuuray garoonka ku yaalo degmada Diinsoor, taas oo sababtay qaraxyo aad u weyn oo qal qal ku riday shaqaalihii garoonka Iyo ciidamada Itoobiya oo saldhig ku leh garoonka.

Guud ahaan 14 gantaal oo ah nuuca loo adegsado in diyaaradaha lagu soo rido loona yaqaan “Anti Aircraft Gun” ayaa lagu weeraray garoonka. Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaama ay ciidamada Itoobiya markiiba garoonka kala xiren, iyagoo dhaq dhaqaaqyo ka bilabay deeganka.

Ilo wareedyo ku sugan degmada Diinsoor oo xogtan la wadaagay Halgan Media ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay mar walba isku fidiyaan garoonka Iyo hareerihiisa markii ay diyaarad soo dageyso, balse maanta ay ku xaresnayeen saldhigooda, waxaana loo badinayaa madaama ay xalay dhalatay sanadka cusub, in ay ciidamada Itoobiya ka dhergeen Qamri iyo mandooriyaal, madaama ay Qaylo iyo rasaas cirka uridayeen taas oo xalay laga maqlayay saldhiga ay ku leyihiin garoonka.

Dhinaca kale, kadib weerarka gantaalada loo adeegsaday ee garoonka ka dhacay labo diyaarad kale oo kuso wajahnaa garoonka Diinsoor oo hawada ku jiray ayaa dib ugu labtay magalaada Muqdisho, kadib markii mamuulka garoonka Diinsoor ay ku dhawaqeen in gebi ahaanba uu xiran yahay garoonka, shaqaalahana ay guryahooda loo diro, wuxuuna go’aankaan salka ku hayaa duqeynta ay Al Shabaab ka fuliyeen garoonka Diinsoor sida ay sheegen ilo heer degan ah.

Dhacdadaan maanta ka dhacday degmada Diinsoor, maahan markii ugu horeeysay ay Al Shabaab gantaal u adeegsadaan weerar ay ka fuliyeen gudaha dalka, waxeyna Al Shabaab weerar la mid ah ka fuliyeen gobolka Galgaduud markii tariikhdu ahayd 2-dii bishii November ee sanadka 2020, iyagoo oo gantaal kutureen diyaarad uu sarnay madaxweynaha Galmudug, Ahmed Abdi Kariye Qor Qor, xili uu ka dhoofayay garoonka magalaada Dhusamareeb ee caasimada Galmudug.

Halgan Media.