Wararka laga helayo gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Askari katirsan ciidamada Daraawishta qaybta Koonfur Galbeed oo kusugnaa degmada Diinsoor in uu gostay, kadibna ku biray ururka Al Shabaab.

Ilo lagu kalson yahay ayaa Halgan Media u xaqijiyay inuu Askariga katirsanaa ciidanka Daraawiishta, kana howlgalli jiray degaanka Diinsoor, waxaana magacisa naloogu sheegay Xusen Cali Cabdiaziz.

Xassan ayaa la sheegay kadib markii oo ka baxay degmada Diinsoor, asaga oo Qorigisa wato inuu uu gudbay tuulada Yaaqbaraay, ayna ka ariimayan ururka Al Shabaab sida ay sheegan dad goobjoogayaal ah.

Maamulka Koonfur Galbeed weli kama hadlin askariga u gostay ururka Al Shabaab, waxana muddadii u dambeysay soo batay ciidamada dowlada oo Ku biraya ururka Al Shabaab.

Halgan Media.