Galabta ayey ahayd markii ciidamo dacad u ah madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Yusuf Dabageed ay weerar ku qadeen xaruunta warbaahinta madaxbanaan ee Radio Hiiraanweyn sida ay qaar kamid howlwadeenada ay u xaqijiyen Halgan Media.

Labo gaari oo cabdi bile ah oo ay sarnayeen ciidamo ayaa kuso daatay xaruunta Radio Hiiraanweyn, kadibna qafaashay ila 7 wariye oo ila hada ku xiran saldhiga weyn ee magaalada Beledweyne, waxaana amarkas bixiyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle.

Xarunta Radio Hiiraanweyn waxa gees kasta kaga xiran Kameroyinka casriga ee loo yaqaano CCTV, waxayna Kameroyinkas ay dubeen xiligii uu ciidanka weerarka soo qaadayay. Mid kamid howlwadeenada katirsan Radio Hiiraanweyn oo diiday inaan magacod shacino amni awgeed ayaa Halgan Media la wadaagay sawirada ay Kamerada qabteen inti uu weerarka socday.

Hoos waxad ka Arki karta sawirada qaraoodiga ah oo ay Halgan Media gacanta ku dhigtay.

Yusuf Dabageed oo ah madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa ila hada aanu ka hadlin wixii sababay In uu bixiyo amarka lagu weeararay Xarunta Radio Hiiraanweyn. Dhacdada maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ah xadgudub ka dhan ah saxaafada iyo xaquuqa aadanaha.

Waxa xusid mudan In Yusuf Dabageed oo horay u ahaa Gudomiyaha gobolka Hiiraan inta u dhaxeeyay 2007 ila 2009, kadib markii ay ciidamada Itoobiyanka kuso duleen dalka dabayaqadi 2006-dii, isagoo marar badan lagu eedeyay in uu dembiyo dagaal iyo tacdiyo ka geeystay gobolka Hiiraan, isagoo xidhna shaatiga dowlada ku meel gaarka, kana gacan helayay ciidamada itoobiyanka.

Halgan Media