Qormadan waxay ku saabsan tahay xaaladda labada deegaan ama tuulo ee Qardhisan & Haro-Ogaadeen oo katirsan Gobolka Erar, gaar ahaan Salaxaad, Deegaanka Soomaalida.

Beryahan waxaa soo batay dhibaatooyin loo geysanayo shacabka Soomaalida, Oromo ayaa dhul loo saxiixay iyo iska horkeenka Oromada & shucuubta ay daris wadaagaan. Soomaalida oo dhibanayaal ah ayaa hadana waxaa hormuud u ah maamul gacan-ku-rimis ah oo lagu wareersan yahay tabar-darro ama xumaan inuu hadheeyay!

Waxa codsaday in maamulka Somalidu ka baxo ee yimid ama jooga Qardhisan & Haro-Ogaadeen waa federal army ee ma aha maamulka Oromada. Waxaa xusid mudan in ninka xukuma ciidamada federaalka ee Baali (Yaasiin) uu ka dambeeyo in labada dagmo lagu wareejiyo maamulka Oromada ee OPDO/EPRDF oo ah kuwa ka dambeeya xasuuqa & barakicinta Soomaalida sanooyinkii la soo dhaafay, & shacabka oromada wixii ka horeeyay 2017.

Shacab Oromo ah ma degano Qardhisan & Haro-Ogaadeen, deegaan Oromana waxaa ugu dhow 50km. Sababo aan la ogeyn aawadood dowladda dhexe waxay ka dhigtay Qardhisan & Haro-Ogaadeen deegaan aan laga xukumin Jigjiga, xataa wakhtigii Cabdi, dowladda dhexe & ciidamada federaalku way diideen in iskuul laga dhiso, biyo xidheen laga sameeyo, ama camiraad lagu sameeyo deegaanka Qardhisan & Haro-Ogaadeen.

Maamulka & Odayaasha Soomaalida ee Salaxaad & Erar way diideen amarka ciidanka ee ah in Soomaalidu kabaxo Qardhisan & Haro-Ogaadeen, waxayna u sheegeen ciidanka inay jiraan maamul ee Soomaali & Oromo, ciidankuna aanu amar ku bixin Karin dhul laga baxo ama Oromo lagu wareejiyo ayadoo aan xidhiidh laga haynin maamulka Jigjiga.

Ma jiro wax xidhiidh ah oo laga sheegay maamulka Oromada, laakiin dhanka Soomaalida Mustafa Cagjar wuxuu amray inay booliska & malayshiyada Somalidu ka baxdo labadaa meelood, waana la fuliyay amarkaa oo hadda waxaa gacanta ku haya ciidanka federaalka ee Baali laga soo diray.

Waxaa xusid mudan in booliska & malayshiyaadka maamulka Soomaalidu ka baxeen Qardhisan & Haro-Ogaadeen, laakiin uu shacabkii wali degan yahay, waxaana suurtagal ah xasuuq & barakicin kaga timaada ciidanka federaalka & malayshiyaadka maamulka Oromada siday horayba u dhacday.

Dadka deegaanka Soomaalidu waxay sheegaan in afar ceel shidaal oo calaamadeysan ku yaalaan Haro-Ogaadeen, marka waxaa laga yaabaa inuu arinku la xidhiidho shidaal, kheyraad & arimo kaleba ama ay quwado shisheeye & shirkado shidaal ku lug leeyihiin xasarada & dhabaatada lagu hayo shacabka Somalida. War Jiraaba Cakaaruu Imaan!

W/Q Roble Ahmed