1996 ayaa la aasaasay xabsi kutaalo dalka Ogadenia la yidha “Jeel Ogaadeen”. Xilligaas waxaa wakiilka gumeysiga ahaa Khadar Macallin Cali. Waxaa dhismaha xabsiga qandaraas lagu siiyey Ibraahim xaad oo ka mid ahaa ganacsatadii xilligaas ugu dhaqaalaha roonaa.

Waxaa magaalada Jigjiga laga fogeeyey xilligaa 5-6 KM, dhinaca qorrax ka soo bax ee togga Faafan, laakinse hadda magaalada ayaa fidday oo dhaaftay, waxaana la oran karaa wuxuu ku yaallaa bartamaha magaalada.

Labada nin – ee ninna uu qandaraaska dhismaha xabsiga bixiyey, ninna uu dhismihiisa qandaraaska ku qaatay – labada isaga ayaa markii dambe lagu xiray.

Qiyaastii ilaa 50 askari ayaa habeenkii waardiyeysa. Laba meel oo kala durusan ayaa laga kala waardiyeeyaa. Gaar hayaha hore, qiyaas hal KM ah ayuu u jiraa. Wuxuu leeyahay hal albaab oo weyn oo u sii jeeda dhanka waqooyi.

Wuxuu u qaybsamaa seddex qaybood oo ragga loogu tala galay, iyo seddex qaybood oo dumarka loogu tala galay. Qaybta ugu hoosaysa waxaa lagu xiraa mucaaradka kuhor jeeda gumeysiga itoobiya iyo dadka loogu edeeyay inay tageeran ururka gobaniimo donka ah ONLF, waana meesha ugu xun.

Qaybta dhexe waa qaybta lagu xiro dadka “rajada leh”, ee la aaminsan yahay in mar uun ay soo bixi doonaan. Qaybta seddexaadna waxa lagu xiraa siyaasiyiinta, ganacsatada, xubnaha maamulka ka soo shaqeeyey iyo duqeyda. Waxaa ku yaalla meel yar oo masaajid ah oo lagu tukado.

Dadka ka soo baxay xabsigaas waxay sheegeen in halkii qol lagu xareeyo ilaa 800 oo qof. Xataa dhulka, hal taako oo ka banaan lama helo. Qaybaha dumarka ayaguna waa la mid. Kiisaska qaar, xataa waxaa la sheegay in dumarka carruurtooda lala xiri jiray.

Dadka shacabka ah ee eheladooda ay kaga xidhan yihiin Jeel Ogaadeen oo iyagu ka warhaya xaalada ka jirta jeelka ee dhinacwalba ah ayaa cunto u geeya maxaabiista maalin walba balse cuntadaasi ma gaadho ee booliska ayaa cuna maadaama aysan iyaga laftoodu haysanba wax ku filan oo ay cunaan, lacagaha saabuunta iyo waxaas loogu talo galay ee ay qoysaska maxaabiistu soo dhiibaana sidaas oo kale ayay uga dhacaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.