Xog hoos oo ay heshay Halgan Media ayaa xaqijinaya in hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee NISA ay qarka u saraantahay in musalafto kadib markii shaqaalahii ugu badnaa, kana tirsan ilaalada gaarka ee Fahad Yasin ay ku dhacday mushaar la.aan, waliba qar kamid ay dhowr bil aysan helin wax mushaar.

Ilo sirdoon oo ka tirsan hayada Nabad Sugida oo diiday in aan magaciisu shaacina sababa amni awgeed ayaa Halgan Media u xaqijiyay in 4 kamid 17 rux u qabilsan in ay ilaaliyan Fahad Yasin aysan musharkooda oo dhameystiran helin, halku u hal rux gebi ahaanba helin wax mushaar bishii Febraayo ee sanadkan aan ku jirno, isagoo oo sii xaqijiyay in 11 kamid 17ka ilaalada u gaarka uu leeyahay Fahad Yasin aysan helin wax mushar biisha Marso, waxuuna si xaqijiyay in 6 kale aysan helin musharkooda oo dhameystiran.

Xaqiiqda dhabta ee ku saabsan sababta ay hayada Nabad Sugida sidaan ugu sameeysay shaqaalaha ugu muhiimsan, looguna aaminay naftooda Fahad Yasin ayaa la sheegay in aysan ku eekeyn NISA balse caqabadaha lamid ay haystaan hay’adaha dhan ee hoos tago dowlada federalka, madaama ay kooxda fadhiso Villa Somalia iyo Habar Khadijo uu gabalkoda dhacay, taasna keentay in ay booban shaqalaha dowlada, iyagoo oo wado in ay waxwalba booban.

Hoos waxad ka arkii karta warqada ay Halgan Media gacanta ku dhigtay oo xaqijinaya mushaar laanta soo wajahay ilaalada gaarka ee Fahad Yasin.

Dhinaca kale, Halgan Media ayaa waxaa u surugashay in ay ogaato ama hesho liiska dhameystiran ee ku qoran ciidamada gaarka u qabilsan in ay ilaaliyan Fahad Yasin oo gaarayo 32 ruux, iyagoo qaar kamid ay yihiin rag hore uga tirsanaa Amniyatka Al Shabaab. Hoosna waad ka arki karta liiska oo dhameystiran.

Hayada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA oo kamid ah hayada ugu muhiimsan dowlada Somalia ayaa ah mid mar hore la burbuuriyay kadib markii u Fahad Yasin la wareegay talada xarunta Habar Khadijo, isagoo hayada ka buxiyay Al Shabaab, cagtana mariyaay saraakishii horay u joogtay shaqada.

Cadeeymaha ku saabsan mushaar laanta haysa ilaalada gaarka ah ee Fahad Yasin ayaa qayb ka ah sidu Fahad u burbuuriyay hayada Nabad Sugida, isagoo adeegsanayo awood dowladeed.

Halgan Media