Ilo sirdoon oo katirsan hay’ada sirdoonka ee wadanka Jabuuti oo ka gabsaday inaan magacooda shaacino sababa amni darteed ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in hay’ada sirdoonka ee dalkaasi ay ka war heleen in rag loou talagalay in ay fuliyaan weeraro ismidamin ah ayaa ku wajahan caasimada wadanka Jabuuti.

Waxa loo badinayaa in la beegsan doono xarumaha Reer Galbeedka ay ku leeyihiin sida safarada Fransiska ama xerada ciidamada Mareykanka, waxaana Qorshaha weerarka laga soo abaabulay buraha Gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya, sida aan kasoo xiganay ilo sirdoonka.

Kooxda fulin doonta weerarada ismiidaaminta ah ayaa kala ah shaqsi magacis lagu soo koobay “Cabdimalik” balse loo yaqaano “ihsan” iyo nin kale la yirdha Sacid Abdtidon, waxayna labada ruux kasoo jeedan beelweynta Dir gaar beesha Ciise sida ay shegeen ilo wareedyada.

Inta aysan labadan ruux weerarada ismidaaminta ka fulinin gudaha dalka Jabuuti, waxa la hor marsin doona labo qof oo kale oo la yiradha Yasin Xaji iyo Faduma Muse una qabilsan in ay gudaha Jabuuti soo geliyen Jakaadaha lagu xiray walxaha qarxa madaama ay yihiin dad marwalba u safra dalka Jabuuti, kana shaqeeyo macdaanta laga gurayo buuraha gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya, kadibna gaadhi xamuul lagu qado, lana geeyo dalka Jabuuti, si wadamada dunida loogu dhoofiyo.

Faduma Muse iyo Yasin Xaji ayaa u fuduud in ay Jakaada ku xiran walxa qarax ay gudaha u geliyan Jabuuti madaama ay si joogta mar walba ugu safran Jabuuti markii ay kaso baxan buraha gobolka Sanaag, taasna baa keentay in howlgalka nucaan lagu aamino, waxaana la si xaqijiyay in labadooda ay kasoo jeedan beelweynta Dir balse Fadumo Muse ay tahay Gadubersi, halka u Yasin Xaji yahay Isaaq sida loo xaqijiyay Halgan Media.

Hoos waxad ka Akhrin karta warqad kasoo baxday xafiiska hay’ada sirdoonka ee dalka Jabuuti, looguna talagalay in lala wadaago sarakiisha sirdoonka Jabuuti kuna sabsan qaraxyada dalka kuso wajahan balse ay Halgan Media gacanta ku dhigtay.

Ururka argagaxisada ay dadkan katirsan yihiin oo raba in ay Jabuti weeraran, waxa loo sheegay in uu yahay Al Shabaab madaam ay kooxda Al Shabaab ku xoganyihiin buraha ku yaala gobolka Sanaag, iyago marwalba kasoo galayo buraha ku yallo gobolka Bari si ay isugu fidiyaan Waqooyiga Soomaaliya.

Halgan Media.