Xog hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa xaqijinaya in la xiray Caydaruus Ismaciil oo ah taliyaha ha’yadda sirdonka iyo nabad sugida qaranka u qabilsan magaalada Baydhabo.

Ilo sirdoon oo lagu kalsoonan karo ayaa warbaahinta Halgan Media u xaqiijiyay in xariga taliye Caydaruus Ismaciil yimid kadib markii la ogaaday in uu amray in la xiro qof shacab, kadibna u qoyska ka dalbaaday lacag baad ah oo garayo toban kun oo dollar. (10,000)

Sida aan xogta ku helnay, qofka shacabka ayaa la xiray, kadibna la geeyay guriga taliye Caydaruus Ismaciil, kadibna wiilka qoyska ayaa ka war helay wiilkooda uu u xiranyahay taliyaha Nabad Sugida u qabilsan magaalada Baydhabo islamarkaane uu dalbaday lacag gaareeysa 10,000 dollar.

Qoyska markii ay u tageen Taliye Caydaruus Ismaciil, wuxuu uu sheegay in wilkooda ay haystaan taliska NISA ee Muqdisho, loona bahanyahay toban kun oo dollar (10,000) si loo xaliyo kiiska, isagana yahay qofka keliya loo maro.

Hase yeeshe, qoyska wiilka way ka tagan taliyaha NISA ee magaalada Baydhabo, Caydaruus Ismaciil, kadibna way soo labaden sacado kadib, iyagoo oo sheegay in keliye ay awoodan 500 dollar, balse taliye Caydaruus Ismaciil ayaa diiday in uu sii deeyo wiilka, una 500 dollar-ka qaato, hasa ahaate wuxuu ku xujeeyay hadii ay wilkooda raban in ay bixiyan 10,000.

Intii uu hadalkas socday, mid kamid ah ehelka wiilka afduubka lagu heysto ayaa si qarsoodi telefonka codka taliyaha ku duubay sida aan kasoo xiganay ilo sirdoon oo kiiska xogagal uu ah.

Kadibna qoyska wiilka way ka dhaqaaqeen guriga, waxayna codka qarsoodiga ay ka dubeeen taliyaha NISA ee magaalada Baydhabo la wadagen taliska sare NISA u qabilsan maamul goboladka Koonfur Galbeed, taasi oo ugu dambeeyntii keentay in taliye “Shaahiyow” oo ah taliyaha NISA u qabilsan guud ahaanba Koonfur Galbeed u amro in la xiro Taliye Caydaruus Bati.

Hoos waxad ka arki karta sawirka Caydaruus Ismaciil oo ah taliyaha NISA ee magaalada Baydhabo oo ay Halgan Media gacanta ku dhigtay.

Sawir : Caydaruus Ismaciil

Markii la xiray Taliye Caydaruus Ismaciil, waxa si toos telefonkiisa u baaray taliyahii NISA ee Koonfur Galbeed “Shaahiyow”, sida ay Halgan Media u Sheegen ilo lagu kalsoonan karo, waxana mobilkis laga helay muqaal fashxi iyo macluumad kale.

Kadibna Maxa Xigay?

Ilo wareedyo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in uu taliye Caydaruus Ismaciil oo hada ku xidhan yahay xabsiga loo yaqaano “Jeel Idaamole” oo ku yaala isla magaalada Baydhabo oo ah xabsiga u daran magaalada, looguna talagalay in keliya laga ciqaabo maxabista dambiyada culus geeysta.

Sida aan xogta ku helnay, waxa waqtigan taliye Caydaruus Ismaciil lagu hayaa qol 2 mitir kor iyo hoos, waxana si joogta ah u garaaca ilaalada xabsiga oo hoos tagto taliska Nabad Sugida.

Hoos waxad ka arki karta sawirka qarsoodiga oo ay Halgan Media ka heshay xabsiga oo ay maamusho NISA oo ah meesha lagu hayo, laguna jir dilayo Taliye Caydaruus Ismaciil.

Sawir : Caydaruus Bati

F.G. – Akhristiyal, waxay warbaahinta Halgan Media ay idiin kaga cudurdaraneysa inaan shacin karin (amni awgeed) wiilka iyo qoyska u dhibaatayay taliye Caydaruus Ismaciil oo ah taliyaha Nabad Sugida u qabilsan magaalada Baydhabo.

Halgan Media