Halgan Media : Xaalada Itoobiya
6 July 2020

Laga soo bilaabo 30.06.2020, waxaa dalka ka socday isku dhacyo u dhexeeya kooxo Oromo ah oo salka ku haya dilkii Dilka Hachalu Hundessa oo ahaa heesaa Oromo ah. Kooxaha Oromada ayaa kala taageersan Jowhar Maxamad & Korneel Abiye Axmad. Ma jiraan warar madax banaan oo lagu ogaan karo waxa socda & xaaladda dalka.

02.07.2020, Korneel Abiye kadib kulan uu la qaatay saraakiisha ciidamada & sirdoonka, wuxuu shacabka u sheegay in “rabshadihii sadexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa lagu doonayay in dagaalo sokeeye ka dhacaan dalka, waxaase ka hortagay ciidamada amaanka oo qabtay abaabulayaasha rabshadahaa”. Korneel Abiye oo la hadlaya dhalinyarada Oromada ee kacdoonka wadda wuxuu ku yidhi “intiinan Kibriit dab ku shidin, naftiina ka fikira” waxaana loo fahmay hadal isugu jira tahdiid & cabsi-galin, & bilow go’aan la qaatay. Hadalka Korneel Abiye oo ahaa tahdiid waxay dad badan ku macneeyeen bilow dagaal lagu qaadayo kooxaha Oromada & howlgal ka dhan ah xubnaha sare ee dowladiisa oo soo dhowaaday!

02.07.2020, TV-ga dowladu wuxuu sheegay in sadexdii maalmood ee la soo dhaafay la dilay 87 Qof waxaana ku jira 4 sargaal oo Boolis ah. Dhammaan rabshadahaa ayaa ka dhagay deegaanka Oromiya, waxaana lagu beegsanayay dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Axmaarada. 02.07.2020 waxay Axmaaradu sheegeen in ugu yaraan 95 Axmaaro ah lagu dilay deegaanka Oromiya. Tigrayga ayaa aad uga dhex shaqaysanaya xaalada cakiran ee dalka & khilaafka u dhexeeya kooxaha Oromada.

Wali waxaa xayiran adeegga internetka. Laakiin, xayiraada internetka ma joojin karo wararka been abuurka ah & dacaayadaha kooxda ku kacsan Korneel Abiye, waxayna dhab ahaan abuuraysaa xaalad lagu faafiyo wararka beenta ah.

Waxaa muuqata in dadka uu Korneel Abiye ku sheegay kuwa soo abaabulay rabshadaha ay yihiin Jowhar Maxamad & kooxdiisa. Dhanka kale dowladu waxay soo saartay warbixin ka dhan ah warbaahinta mucaaradka waxayna ku sheegtay inay kicinayaan rabashado qowmiyadeed. Warar aan la xaqiijin karin oo laga helay dad ku dhow Korneel Abiye ayaa sheegay in Hachalu Hundessa fashiliyay waxyaabo badan oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa kooxaha QEERROO & OLF.

02.07.2020 waxaa maxkamad la keenay Jowhar & dad la xidhnaa oo ah Oromo & Axmaaraba, waxaana ka mid ah Baqale Garba (Oromo) & Eskandar Nega (Axmaar) waxaana dib loogu dhigay laba todobaad.

Dhanka Soomaalida ayaan wax hadal ah laga haynin, marka laga reebo ONLF. 03.07.2020, waxay ONLF qoraal ku muujisay siday uga yihiin xaalada dalka, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyadda in ay ka fogaadaan jahawareer, kana wadashaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa qalalaaso ka dhasha dhacdooyinka. Dadka qaar ayaa rajaynaya in maamulka Mustafa Cagjar qabandoono banaan-baxyo lagu taageerayo Korneel Abiye, arinkaa oo lamid ah mowqifkii Cabdi Maxamuud Cumar ku taageeray Tigray.

Midowga Afrika ayaa muujiyay walaac lamid ah kan ONLF. Eritrea ayaa u muuqata inay taageereyso Korneel Abiye. Waxaa jira dadaallo lagu doonayo in lagu xaliyo dhibaatada & in la soo afjaro khilaafka madaxda & kooxaha Oromada.

Axmaaradu waxay isha ku haysaa kooxda Oromada ee ciyaarta jilaysa. Kooxdan (Takele Uma, Lemma Megersa, Abiye Ahmed, Abadula Gemeda & Shimelis Abdisa oo dhammaantood ah askar & sirdoon Protestant Christian) waxaa haysta laba dhibaato, inay u gacan-galaan Axmaaro ama Oromo Muslim, kan hore ayaana u sahlan!

Halgan Media.