Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay galbeedka wadanka Yemen ka dib markii Xulafada Sucuudiga uu hoggaamiyo ay duqeeyeen. dadka geeriyooday ayaa u badan maxaabiis ku xirnayd xabsi ku yaal magaaladda Dhamar, sida ay sheegeen saraakiisha xuutiyiinta.

Afhayeenka u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Xutiiyiinta Yusuf al-Hadri ayaa sheegay in duqaynta diyaaradaha Sucuudigu ay sidoo kale ku dhaawacmeen 50 qof, waxaa uu intaa ku daray in 185 maxaabiis dagaal lagu hayay dhismaha oo uu ku sheegay inay ahayd xarun waxbarasho.

Duqayntan ayaa dhacay Xalay saqdii dhexe, xili inta badan maxaabiistu ay hurdeen.

Goor sii horraysay afhayeenka xuutiyiinta Maxamed Cabdisalaan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa twitterka wuxuu tiradda dhimashada ku sheegay 100, halka dadka dhaawacmay uu ku qiyaasay 100 qof.

Dhinaca kale, Qoraal uu soo saaray Sucuudiga oo la akhriyay telefishanka dowladda ayaa lagu sheegay in xulafadu ay duqeeyeen dhismayaal milateri oo xuutiyiintu ay ku kaydsadeen gantaalo iyo diyaaradaha dronska.

Hay’adda ICRC ayaa sheegtay inay u direen magaaladda Dhamaar koox caafimaad oo wata qalab iyo daawo lagu dabiibi karo ilaa 100 qof

Maxaabiista lagu dilay duqaynta ayaa sugayay in la sii daayo iyagoo qayb ka ahaa qorshe la doonayay in la isku waydaarsado maxaabiista xuutiyiinta ee ay gacanta ku hayaan dowladda caalamka aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdihaadi Mansuur.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.