Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Meles Alem ayaa maanta sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Samix Shoukri uu sii wado hadalo aan loobahnayn oo kadhan ah Wadahadalada biya xidheenka Itoobiya ee Abay.

Waxaa fashilmay wadahadalkii ugu dambeeyay oo dhaxmaray Masar iyo Itoobiya. wadahadalkaas oo la isku afgaran waayay dhamaan qodobadii laga wada hadlayay.

Samix Shoukri ayaa sijoogta ah uga hadla saamaynta uu biya xidheenka Ethiopia kuyeelan doono saamiga biyaha ay Masar kahesho wabiga Nile wuxuuna wasiirku sheegay in Itoobiya looga baahan yahay ilaalinta heshiiskii horaan ay ugaleen wadamada uu dhex maro wabiga Nile.

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo masar ayaa umuuqda mid kudambayn doona gacan kahadal iyo dagaal khadhaadh oo lagu hoobto waxaana lasheegayaa in Dowlada Masar oo aad uga awood badan Itoobiya ay diyaar utahay in ay talaabo mulatari kaqaado Itoobiya.

Dowlada masar ayaa horay usheegtay in ay dhimasho kaxigaan biyo xidheenka Ethiopia oo hirgala waxayna sheegeen inta halqof kanoolyahay in ay difaaci doonan saamiga biyaha Masar ay kuleedahay biyaha wabiga Nile.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.