Wasaaradda Caafimaadka waddanka Masar, ayaa shaacisay in 17 ruux ay ku dhinteen, 32 kalena ay ku dhaawacmeen, qarax ka dhashay tiro baabuur ah oo isku dhacday bartamaha magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaasi.
Sidoo kale wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Masar, ayaa sheegtay in shilka gaadiid ee qaraxa dhaliyay uu dhacay, kadib markii baabuur si xawliya ku socda oo seedkiisa ka baxay, uu ku dhacay saddex baabuur oo kale, islamarkaana dab iyo qarax ka kacay.
Wasaaradda ayaa tilmaantay in shilkaasi ka dhacay bartamaha magaalada Qaahira, gaar ahaanna aga’gaarka Mac-hadka Qaranka ee lagu barto cudurka KANSAR-ka Egypt’s National Cancer Institute.
Dhinaca kale Xeer-ilaalinta guud ee waddanka Masar, ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo waxa sababay shilka, waxaana goobta shilka gaaray koox ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta, si ay baaritaan ugu sameeyan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.