Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo shir jaraa’id qabtay ayaa dalka Iiraan ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarro lagu qaaday shalay maraakiib shidaal oo mareyay Badda Cumaan ee Khaliijka.

Wuxuu sheegay inay Iiraan halis ku heyso ganacsiga shidaalka adduunka, isla markaana ay ka dambeyso weerrarada lagu qaaday maraakiibta shidaalka lagu qaadayo.

Mike Pompeo wuxuu caddeeyay in walaaca ay qabaan arrintan ay gaarsiiyeen Golaha Ammaanka Q/Midoobay, isla markaana haddii ay sii socdaan falalka Iiraan uu Mareykanku difaaci doono danihiisa iyo xulfadiisa Bariga Dhexe.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.