Deegaano katirsan Gobolka Nogob ee dalka Ogadenia ayaa waxaa laga soo sheegayaa Xaalado Biyo la’aan oo aad u daran, taas oo saameysay Nolosha Dadka iyo Duunyada.

Meelaha ugu daran ee Biyo La’aantaasi ka jirto waxaa ka mid ah degmada Garbo iyo degmada Xaraaray oo katirsan gobolka Nogob

Shacabka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in ku adag tahay helida isticmaalka biyaha oo nolasha aadanaha muhiim u ah, waxaana ay sheegeen in qiimaha la siisto biyaha ay sare u kacday.

Mas’uuliyiinta mamuulka Somalida weli kama hadlin biyo la’aanta bahsan oo kasocdo gobolka Nogob iskabaa dhaaf inay wax ka qabtan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.