Wararka naga soo gadhaya galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya inuu shalay subaxdii markii ay Tariikhda aheed 5tii biisha Marso uu dagaal ka dhacay xadka Soomaalida ay la wadagaan Ismaamulka Canfaarta.

Siida aan Xogta ku helnay, ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inuu dagaal dhex maray shacabka Soomaaliyeed Iyo Maleeyshiyaadka Canfaarta, wuxuuna dagaalka ka dhacay duleedka degmada Cadayti ee gobolka Sitti.

Dhanka Soomaalida waxaa la xaqijiyay inuu hal Qof ku dhawaacmay, waxaana Canfaarta laga dilay dhowr qof, sidoo kale waxaa laga qabsaday hal Qori siidi u ilo degaanka ah u sheegay Halgan Media.

Dagaalada u dhaxeeya Soomalida Iyo Canfaarta waa mid mar walba soo noq noqoonayo, kadib markii ay Canfaarta isku deyeen dhul balaarsi bahsan siidi ay booban dhul Soomaaliyeed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.