Laga soo bilaabo 29/2/2020 waxaa baraha bulshada si tartiib tartiib ah loogu faafinayay xogta gaarka ah ee saraakiisha NISA oo isugu jirta liisas magacyo dhamaystiran, shahaadooyin iyo sawirada saraakiisha oo ahayd xog qarsoon.

Marki ugu horaysay 29/2/2020 waxaa bartiisa facebook ku daabacay wariye Dahir Calasoow xogta liis ay ku qoran yihiin qayb kamid ah saraakiisha oo lagu sheegay inay ka shaqeeyaan maamulka maaliyada NISA, isagoo isla 3/3/2020 daabacay sawirada saraakiisha qaar kamid ah, waxayna ahayd sida tan:

Wixii intaas ka danbeeyay waxaa bilowday wal wal ah in xogtii NISA oo idil ay gacanta u gashay kooxaha argagaxisada iyo shacabka qayba kamid ah, waxaana maalin ba maalinta ka danbaysa isasa soo tarayay cabsida ay qabaan saraakiisha iyagoo qayb kamid ah dalka iskaga cararay.

Waxaan gorfayn ku samayn doonaa habka ay wax u dheceen anagoo soo qaadan doono xogta qayb kamid ah iyo cinwaanadi laga soo faafiyay.

Ugu horayn sida sawirada kore ka muuqata marki ugu horaysay waxaa xogtaan inuu gacanta ku dhigay sheegay Dahir Calasow, sidoo kale na wuxuu soo daabacay qayb kamid ah xogtaas.

Kadib waxaa baraha bulshada qaas ahaan Twitter ka iyo WhatsApp yada ka bilowday in lagu faafiyo xogta oo dhamaystiran sida ka muuqatay, waxayna ku bilaabatay Twitter ka 4/3/2020 account isla March la sameeyay ayaa bilaabay faafinta xogtan xasaasiga ah.

Waxaa xigay isla waqtigaas in lagu qaybinayay WhatsApp ka, waxaana la qaybinayay URL LINK lagu sameeyay Google Drive isla maalinkaas 4/3/2020, sida hoos ku xusan.

Baaritaan lagu sameeyay cadaymihi uu reebay qofkan faafinayay ayaa tilmaamay inuu isticmaalayay Emailka hoos ku xusan:

Sida ka muuqato waxay ahayd wax isla waqtigaas la diyaariyay looguna talagalay in lagu faafiyo kaliyah, dabagal aan ku samaynay cinwaankaas waxaa ka soo baxay sida tan:

Saacado kadib waxaa la xiray ama la baabi’iyay URL laga sameeyay Google Drive xogta lagu faafinayay, waxaana isla marki soo shaac baxay cinwaanki ka gadaal fadhiyay ama u ahaa RECOVER EMAIL sida table ka kore ka muuqata.

Waxaa dhamaan la xiray cinwaanadi hore ee lagu faafinayay xogtan halista ah sida Twitter ka iyo Gmail ka, balse waxaa suuqa soo galay URL cusub oo isla xogti lagu faafinayo kaas oo si kadis ah loo helay, waxaana ku jiray 2 folder oo loo kala magac bixiyay Macluumaadka Askarta & Sawirada Askarta NISA:

Sida ka muuqato email ka ay ku kaydsanayd xogta waxaa Owner ka ah fahadyasin2007@gmail.com, oo ah isticmaalaha sameeyay URL laga sameeyay Google Drive ka cusub ee la helay, markaan baaritaan ku samaynay waxaan ogaanay:

Sida ku cad dabagalka aan samaynay waxaa email ka data da ay ku kaydsanayd iska leh agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in email ka RECOVERY EMAIL ka loo isticmaalay uu yahay email caan ah oo uu Fahad lee yahay, wuxuuna isticmaali jiray xiligi 2005 oo uu wax ku qori jiray website ka Somalitalk http://www.somalitalk.com/fahad/isniin39.html.

Sidoo kale waxaan hubinay gorfayna aan ku samaynay sawirada saraakiisha ee la faafiyay, si aan u helno waxa ku xeeran, tusaalo ahaan waxaan u soo qaadan doonaa 10 sawir.

Sample ka aan ka qaadanay sawirada si aan u gorfayno agabka lagu qaaday iyo xiliga la qaaday waxay ku tusinaysaa marka aad eegto Creator Tool in agabka yahay hal oo waxaa lagu qaaday hal Camera sawiradan, marka aad eegto Created Date na waxay ku tusinaysaa in taariikhaha la qaaday sawiradan aan sample ahaan u soo qaadanay ay u dhaxayso March – April taas oo la micno ah in ay socotay diiwaangalin boobsiis ah.

Hadaba maxay ka dhigantahay arintaan ?

Sida muuqato waxaa xogtaan loo faafiyay sii ula kac ah, inkastoo ay u muuqato sida cadaymaha email da ay noo sheegayaan in masuulka ugu sareeya NISA Fahad Yasin uu lahaa email da, hadana waxay na tusi kartaa dhowr xaaladood oo ay arintaan ku dhacday:

1. In agaasime Fahad Yasiin uu kayd ahaan ugu talagalay in xogta uu ku kaydsado Google Drive, kadibna aqoon daro dhanka farsamada ay uga dustay.

2. In qof uu u diray xogta uu si ula kac ah u faafiyay, qofkaasna kayd ka samaystay, wuxuuna noqon karaa qof access u leh agabka uu lsticmaalo agaasimaha.

3. In agaasimaha qudhiisa oo horay loo sheegay inuu xiriir la leeyahay Al Shabaab uu u diray kooxdaas, iyagana ay ku talagal ama si aanan ku talagal ahayn ay u faaftay.

4. Ugu danbayn mida ay saraakiisha NISA iyo Siyaasiyiinta xog-ogaal ka ay sheegayaan oo ah in Cabdilaahi Kulane oo madaxa shaqaallaha NISA oo aan la dhacsanayn hab maamulka agaasimihiisa uu dusiyay xogtaan, waxaana kala shaqeeyay sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Cabaas oo hogaanka haysta.

Tani waxay daliil u tahay dhexgalka kooxda Al Shabaab ay dhex gashay sirdoonka NISA taas oo inta badan ay dadka hadalhayaan, balse aqoon yahan ama siyaasi ku dhiirada inuu arintaan ka hadlo la la’yahay.

Halgan Media