Shalay fidka hore waxa gudiga doorashoyinka Kenya shaciysay in uu madaxweynaha cusub ee Kenya uu noqon doonto William Ruto oo hore ku fadhiyay kursiga madaxweyne ku xigeenka. Haase yeeshe maxa laga fila kara haddi aan nahay ummada Soomaaliyeed, weliba kuwa ku nool jamhuuriyada xorta ah iyo dhulka la heysto ee NFD?

William Ruto oo ah 55 jir ayaa lagu tilmaama in uu yahay shaqsi xag jir ah oo aad ugu weyn neceybka uu u qabo isirka Soomaalida. Inta u xilka haya madaxweyne ku xigeenka wuxuu marwalba dadka u ololeeya in ay ciidamada Kenya si joogan gudaha Jamhuuriyada Soomaaliya, iyago ku gabanayo wixi ay ku tilmaman la dagaalanka argagxiisada, balse ay dowlada Kenya si joogitanka ciidameda ee gudaha Soomaliya u isticmaasho ujeedo gaar ah oo ay Kenya Ka leedahay Soomaaliya oo ay kamid tahay in ay qabsato qeybo kamid dalka, kadibna Gumeysato shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, gobolka NFD oo ah dhul Soomaaliyeed oo ay Kenya gumeysanaysy 60kii sano ugu dambeysay waxa ka dhacay gabal falo iyo xasuuqyo wadareedyo oo aan caddi ahayn, weliba maskaxda qaba karin intu uu xilka madaxweyne ku xigeen hayay William Ruto, taas oo kamid tahay in ciidamada Kenya qafashen, dileen iyo sii bareer u xasuuqan dad Soomali ah oo aan waxba galabsan. Dembiga keliye ay galen uu yahay in ay Soomaali yihiin, waxana hubaal ah in uu dulmiga iyo tacadiga sii socon dono intuu xilka haya William Ruto.

Sido kale, Doorashada William Ruto waxa si xogeysanayo faragelinta iyo dulaanka qawan oo ay Kenya hore ku heysatay Soomaaliya, iyadoo bad iyo berri ay Somali leedahay shegeysanayso, iyo garabka ay siiso Axmed Madoobe oo kamid hogamiyaha kooxedyada Soomaalida oo ay dowlada Kenya xog ku geysay Kismaayo markii ay ciidamda Kenya kuso duleen Soomaaliya 2011kii, iyago Qori caradiysa ku qabsaden magaalo xebeedka Kismaayo.

Halgan Media