Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia ayaa sheegay inay duqeyn ka geysteen degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose halkaasoo sidoo kale ay sheegeen in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay qabsadeen aagag cusub.

War ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay lagu dilay labo dagaalyahan oo ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa kale oo lagu sheegay in howlgalkaas uu barbar socday mid dhulka ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya u suurtageliyay inay Al-shabaab ka saaraan Jiinka wabiga Jubba.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa dhulka ay ka baxeen Al-shabaab ee Wabiga Jiinkiisa ah waxaa ay ka sameysteen difaacyo cusub sida lagu sheegay qoraalka Mareykanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.