War qoraal oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda Nabad Sugida ee Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo u qaabilsanaa dhanka sahanka ah, kaasi oo doonayay in uu bixiyo xogaha ciidamada.

“Maanta ciidanka amniga ayaa kasoo qabtay nawaaxiga Afgooye, shakhsi sahan u ahaa AS, tabinayayna xogaha dhaq dhaqaaqa ciidanka si ay wadada ugu galaan. Howlgalkan cidi wax kuma noqon. Qabashadan waxay qayb ka tahay nabad kusoo dabaalida caasimadda,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Ciidamada NISA ayaa waxaa kordhiyeen howgalada ay kawadaan konfuurta iyo bartamaha Soomaaliya ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.