Warar dheeraad ah oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan xarumo ganacsi oo ku gubtay Dagaalkii saaka ka dhacay suuqa weyn ee dhanka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo kaasi oo dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo Maleeyshiyaad beeleed.

Dagaalka waxaa sidoo kale ku dhintay hal qof oo dumar ah waxaana ku dhaawacmay lix ruux oo kale kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka waqooyiga Gaalkacyo.

Dagaalka Saaka ayaa daba socday iska hor imaad xalay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo Koox ka ganacsata Khamriga kaas oo ay ku dhinteen laba ruux saddex kalena ku dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay la wareegeen goobta ay weerarka ku qaadeen, oo la sheegay inay ahayd meel lagu iibiyo maandooriyaha, sida qamriga iyo xashiiska, iyadoo kuwii ka ganacsanayay qaarkood xabsiga la dhigay.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya xili maanta Madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug ay Shir uga qeybgalayaan magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Halgan Media.