Wargeyska The Wall Street Journal ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa qoray inay dowladda Imaaraadka carabta kala baxday dalka Yeman qeybo kamid ah ciidamadii ka joogay iydoo ka cabsaneyso inay weeraro la kulanto maadaama uu dagaal ka dhex biowday Mareykanka iyo Iiraan.

Wargeyskaan ayaa sheegay in asbuucyadii ugu dambeeyey ay Abu Dubai Yeman kala baxday Taangiyo, Diyaariyadaha dagaalka iyo  boqolaal ciidan oo ka joogay Badda Cas, waxaana kamid ahaa ciidamada ay la baxday kuwii ku sugnaa Magaalo xeebeedka Al Hudaydah ee dalka yeman halkaas oo ah meesha laga dajiyo gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yeman oo ay dhibaateeyeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ah garabka Militari ee ugu muhiimsan oo ay heysato Dowladda Sacuudiga oo dagaal ku qaaday Maleeyshiyaadka oo dulaan ku joogo dalka Yeman ee taageerada ka helo Iiran tan iyo Maarso 2015, dagaalkaas oo lagu dilay kumanaan qof oo ka tirsan Shacabka Yeman, iyadoo ay dalkaas ka dhacday musiibo Bini’aadanimo tii ugu xumeyd caalamka sida lagu sheegay warbixinada hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Bixitaanka qaar ka tirsan Ciidamada Imaaraadka ee dalka Yeman ayaa kusoo aadayo xilli ay sii xoogeysatay Xiisadda Bariga Dhexe ee u dhaxeyso Iiraan iyo Mareykanka, inkastoo ay Washington iyo Tehran sheegeyn inaysan dagaal diyaar u aheyn, haddana waxaa socday weeraro lagu qaadayo Doomaha iyo Maraakiibta isticmaalo xeebaha Imaaraadka taasoo cabsi badan ku abuurtay Abu Dubai, waxayna dowlado ay kamid yihiin Mareykanka weeraradaas ku eedeeyeen Iiraan iyagoo ugu baaqay inay  arrintaas joojiso.

Wargeyska ayaa sheegay inay Imaaradka dareentay cabsi weyn kadib markii ay soo badatay diidmada Mareykanka ee dagaalka Militari ee Yeman, iyo iyadoo isku aragtay inay tahay bartilmaameedka koowaad oo ay Iiraan ku aargudan doonto haddii uu madaxwyenaha Mareykanka Trump amro in duqeymo Militari lagu qaado Iiraan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.