Madaxweynaha Soomaaliya oo garab ka helaya gudoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada hir galinta qorshe ay ku doonayaan in dib loo dhigo doorashada dalka si mudo kororsi u sameeyaan.

Dowlada Mareykanka ayaana si weyn uga hor timid qorshaha mudo kororsiga ee damacsan yihiin Madaxda dowlada federaalka qaarkood, waxaana dowlada Mareykanka ku baaqday in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay aad u quud dareenayaan natiijada kasoo baxda shirka Dhuusomareeb 3 ee ku balan san yihiin Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya qoraalka kasoo baxay ayaana lagu adkeeyay in muhiim tahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, loona baahan yahay doorashada dhaceysa in ay noqoto mid raali laga wada yahay.

‘“Nooca doorasho ee raalli la isaga yahay wuxuu u baahan yahay DFS, Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka iyo daneeyayaasha siyaasadda,Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsi” ayaa lagu yiro qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Warkan kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili shirkii loo balan sanaa in uu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb kaliya ka harsan yahay labo maalin ayna muuqaneyso in shirkaasi dib u dhac ku imaanayo.

Halgan Media.