Wararka naga soo gaadhaya magaalada Chilga Wareda ee galbeedka gobolka Gonder oo katirsan ismaamulka Amharada ayaa sheegaya in afar askari katirsan booliska ismaamulka Amharada ayaa la dilay.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka Booliiska ee Gobolka Amharada waxaa habeenki weerar kuso qadaay koox hubaysan loo yaqaano “Kimant” oo amni darro bahsan kawaado gobolka Amharada, waxaana lasheegayaa in kooxda hubaysan oo dhar shacab soo xidhay ay howl galkaas iyo dilka fuliyeen.

Dablayda dilka gaysatay ayaa lasheegayaa in ay goobtii kabaxsadeen iyaga oo nabad qaba, hase yeeshee waxaa durba soo baxay kala shaki wayn oo udhaxeeyay maleeshiyaadka iyo ururada kala duwan oo kudhaqaan gobolka Amharada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.