Xarakada Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay khariidaddii ay soo saaraty wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ee tirtay Soomaaliya islamarkaana ku dartay Gumaysiga Itoobiya.

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa cod ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab ku sheegay in khariidaddaas ay dowladda Itoobiya ku caddeysatay damaceeda fog ee ay ku dooneyso inay dalka Soomaaliya ku qabsato

Cali Dheere ayaa sheegay in hoggaanka dalka Itoobiya uu “ku adeeganayo hoggaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo gacan geliyay dhulka Soomaaliyeed.”

“Itoobiya waxay hadda mareysaa inay ka gudubtay hadalladi maldahnaa iyo sarbeebihii ay ku sheegan jirtay dhulka Soomaaliya oo ay maanta si cad qorshaheeda banaanka usoo dhigtay” ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheera ayaa sheegay inay yaab tahay in madaxda dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin khariidadda dowladda Itoobiya oo ay ka aamusan yihiin.

Waxa uu intaas ku daray in “amxaarada aysan dooneyn Soomaaliya oo kaliya balse damacooda fog uu yahay inay qabsadaan kacbada, balse ay hortaagan yihiin mujaahidiinta”

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa dhinaca kale ka hadlay shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shirkaas “lagu boobay laguna iibiyey kheyraadka Soomaaliya iyo in baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey qorshahaasi.”

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.