Wararka naga soo gaadhaya gudaha Soomaaliya gaar ahaan degmada Bardaale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay tacadiyo ka wadaan tuulada Buula Aamiin oo hoos yimaado degaanka Bardaale ee gobolka Bay.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay ciidamada Itoobiya rasaaa ku fureen dad shacab oo aan waxba galabsan. Waxaana la sheegaya Maxamed Cabdi Cabdullahi oo 18 jir ah ayaa ku dhawaacmay rasaasta ay soo rideen ciidamada Itoobiya.

Ciidanka wayaanaha ayaa waxay laban laabeen tacadiyadii ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana marba marka ka danbaysa kasii daraysa xasuuqa ay ciidanka Itoobiya ku hayaan dadka shacabka ah ee aan is difaaci karin si kastaba ha ahaatee waxaan ilaahay uga baryay naa inuu gacanta Gumaysiga Itoobiya ka bixiyo dalka Soomaaliya.

Halgan Media.